Home Wararka Maanta Masuuliyiin ka Tirsan DFS iyo Deeq Bixiyaasha Ayaa Shir ku yeeshay Muqdisho

Masuuliyiin ka Tirsan DFS iyo Deeq Bixiyaasha Ayaa Shir ku yeeshay Muqdisho

0

Kulan lagaga hadlayay dadaalada looga jawaabayo gumadka abaaraha oo ay ka qeyb galeen Guddiga Gurmadka Abaaraha DFS ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Hey’adaha Caalamiga ee Samafalka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan oo ay shir guddoomineysay Wasiir Khadija Mohamed Diriye Wasiirka Gargaarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Adam Abdelmoula, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha QM ee Arrimaha Deegaanka iyo Bani’aadamnimada ee Soomaaliya. Waxa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wakiilada hey’adaha OCHA, WFP,UNHCR,WHO ,IOM ,FAO iyo kuwa kale.

Kulanka ayaa waxa lagu wadaagay dadaalada socda ee lagaga jawaabayo abaaraha , sida deg deg ah ee lagu caawin karo dadka ay saameeyeen abaaraha ee isugu jirta biyo iyo cunto yarida iyo deegaanada u daran ee abaartu sida ba’an u saameysay.

Waxa leysku raacay in si wadajir ah loo xoojiyo gargaarka deg deg ah ee loo dirayo dhulka abaaruhu saameeyeen iyada ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo diyaarisay Xarunta Qaran ee ka Jawaabidda Masiibooyinka .

Wasiir Khadija ayaa ka warbixisay dadaalada Dowladda ,Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qurbajoogta oo kaalin muhima ka qaadanaya caawinta walaalahood ay abaartu ceyrteysay.

Adam Abdelmoula, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM in yabooh lacageed ay ka heleen deeq bixiyayaasha kuwaas oo wax lagaga qabanayo abaaraha .

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha

Booliska Dalka Australia oo ka War-bixiyay Wiil Soomaali ah ay toogteen

Booliska dalka Australia ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii ka dambeeyay inay toogtaan wiil Soomaali ah waxaana ay sheegeen ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool

Madaxweynaha SSC Khatumo oo Sheegay Inay Doonayaan in dadka reer Sanaag ay wax wada dhistaan

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay inuu doonayo in dadka reer Sanaag ay la dhistaan maamulkiisa, si hal maamul ay u wada yeeshaan. Wuxuu sheegay inay wadaan

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda
Ad
Previous articleGuddiga xalinta Khilaafaadka oo u jawaabay Midowga Musharaxiinta
Next articleWasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug oo Tababar usoo xirtay Shaqaalaha Shaqaalaha Waaxda Arimaha Bulshada Cadaado (Sawiro)