Home Wararka Maanta Laba kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu doortay

Laba kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu doortay

0

Waxaa Maanta dugsiga tababarka Ciidamada Booliska Janeraal Kaahiye ee Magaalada  Muqdisho lagu qabay doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Kursiga doorashadiisa ay Maanta ka dhacday muqdisho oo sumadiisu tahay HOP272 ayaa waxaa ku tartamay Saddex Musharrax oo kala ahaa, Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Khadra Axmed Ibraahim & Cabdiqani Maxamed Maxamuud, balse waxaa kursiga ku guuleystay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Guuleed Ceydaruus Cige.

Shalay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada Shan kamid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana sidoo kale Maanta Magalada Dhuusamareeb lagu qabanayaadoorashada laba kamid ah kurasta Golaha Shacabka.

 

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay Xaalad Deg Deg ah
Next articlewaa Kuwee Kursaasta Xildhibaanada ee Maanta lagu dooranayo Dhuusamareeb ?