December sanadkii 1979 ayuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, Qur’aanka kariimka waxaa uu ku bartay magaalada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud.
Waxbarashada dugsiga hoose ilaa sare waxaa uu ku qaatay magaalada Muqdisho
Sanadkii 2001 ayuu ka shqqo bilaabay Idaacaddii STN sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyay idaacado ay ka mid yihiin, Shabeelle, Codka nabadda iyo Warbaahinta Qaranka oo uu ka shaqo bilaabay waqti adag.
Waxaa uu ahaa Aabe leh labo caruur oo kala ah Wiil iyo Gabar, waana Maxamed iyo Saabiriin.
Dhanka shaqada iyo maamulka, waxaa uu ahaa shaqsi ku adag shaqada, go’aan adag ka qaata dadka shaqada gaabiya, waxaa jira dhallinyaro badan oo uu caawiyay muddadii koobneed ee uu agaasimaha Radio Muqdisho ahaa.
Ad