Home Wararka Maanta Ciidamada Galmudug oo gacanta ku soo dhigay rag dil ka gaystay Deegaano...

Ciidamada Galmudug oo gacanta ku soo dhigay rag dil ka gaystay Deegaano ka Tirsan Galmudug

0

iiddamada dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay todobo nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Dhegtuur ee koonfurta gobolka Mudug.

Raggan ayaa la sheegay inay dilka u geysteen hab aanooyin qabiil ah, waxaana howlgal qaatay siddeed cishe ah lagu guulaystay in maalintii shalay dhammaantood gacanta lagusoo wada dhigay.

Waxaa lagu eedeynayaa in ay saddex qof dileen. Sidoo kale laamaha amniga ayaa soo xiray waalidiinta raggaan oo loo haysto in ay qeyb ka qaateen baxsadkooda, kadib ay markii falka geysteen.

Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo saraakiisha amniga ayaa farriin u diray cid kasta oo isku dayda in ay dil u geysato qof shacab ah oo aan waxba galabsan, waxayna masuuliyiintu wacad ku mareen in sharciga la horkeeni doono dhammaan raggaan.

Koonfurta gobolka Mudug, waxaa kusoo laalaabtay colaadaha salka ku haya aanooyinka qabiil. Hase yeeshee maamulka gobolka Mudug iyo waxgaradka deegaanka ayaa isla qaatay in qofkii dil geysta gacanta lagusoo dhigo sharcigana lagu fuliyo.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleCaruur Waxyaaba ay garaaceen Kula qaraxeen Duleedka Degmada Gurceel
Next articleGuddiga Doorashada Galmudug oo Maanta La wareegay Agabkii Doorashada