Home Wararka Somaliya Ciidan ka Socda Amison oo la geeyay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

Ciidan ka Socda Amison oo la geeyay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

0

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb  ee Gobolka Galgaduud &  degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed  la geeyay Ciidamo ka socda Booliska Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamadaan oo horay muqdisho loogu tababaray ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Goobaha dhawaan ay ka billaabaneyso doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Dhawaan waxaa degmada Baraawe gaaray Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal, kuwaas oo kormeer amni ku sameeyay Goobta loogu talo galay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, waxaana Guddiga ay sheegeen in Baraawe noqon doonto goobta ugu horreeysa ee aga bilaabo doorashada Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Ciidamo ka socda Boolis AMISOM ayaa la geeyay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kuwaas oo qeyb ka noqonaya sugida amniga doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda tagaan Magaalafa Dhuusamareeb illaa 250 askari Itoobiyaan ah oo xoojinaya Ciidanka Jabuuti ee horay u joogay magaaladaas.

Dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada ayaa waxaa ay xilligaan kujiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee qabashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Ad
Previous articleDhageyso Codka: Axmed Fiqi oo ka hadlay Xaalada Galmudug arinta Ahlu-suna iyo Go’anka Qoor Qoor
Next articleXal laga gaaray Gadood ay Sameeyeen Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee Gaalkacyo ku sugan