Home Wararka Maanta Dagaal caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay.

Dagaal caawa ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay.

0

Wararka ka imaanaya Muqdisho gaar ahaan Halka loo yaqaano isgooska Fagax ee Muqdisho Ayaa sheegaya in Caawa Ciidamo ka wada Tirsan Dowladda Soomaaliya ay Halkaa Ku dagaalameen.

Dagaalka Ayaa ka bilaawday Muran Wiil dhalinyara ah iyo Shaqaale ka Tirsan Maqaaxida dabayare oo caanka ah Halkaasi dhexmaray.

Muranka Ayaa salka ku haayay Wiil Maqaaxida wax ka cunay oo ka dibna Muran galiyay Lacagtii Laga rabay sida ay noo sheegeen dadka Deegaanka, ka dibna waxaa la isku wacday Ciidamo.

Khasaare Ayaa la sheegayaa oo dhaawac u badan in dad shacab oo  halkaa Ku sugnaa in dhibaato ay gaartay, Mana jiro wax war ah oo Dowladda Soomaaliya ka dhashay.

 

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay cabasho Macalimiinta ay u jeediyeen Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya
Next articleMuqdisho caawa waxaa ka jirta internet la”aan xoogan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here