Home Wararka Maanta Cabdi Kariin Xuseen Guleyd oo soo Dhaweeyay Qoraal kasoo Baxay Kooxda Ahlu-suna

Cabdi Kariin Xuseen Guleyd oo soo Dhaweeyay Qoraal kasoo Baxay Kooxda Ahlu-suna

0

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay Qoraal kasoo baxay Hogaanka Ahlu Sunna ee gobolada Dhaxe kuna sheegayeen in aysan dagaal dooneyn.

Qoraal uu soo saaray Musharax Guuleed ayuu ku sheegay in uu soo dhaweenayo warka Ahlu Sunna ee ah in aysan wadin guluf colaadeed ayna doonayaan nabad kuwada noolaansho.

”Waa soo dhaweynayaa warsaxaafadeedka ka soo baxay culumada Ahlu Sunna ee tibaaxaya inay nabad doonayaan, guluf colaadeedna aysan wadin, cadowna u yaqaanaan nabaddiidka Al-Shabaab, diyaar u yihiin wadahadal iyo wadaxaajood.” ayuu yiri Musharax Guuleed.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa ugu baaqay in ay tixgaliyaan baaqa Ahlu Sunna ayna la furaan wadahadal nabadeed si looga baaqsado dagaal iyo dhiig kale oo daato.

”Waxaan maamulka Galmudug u soo jeedinayaa inuu baaqaas nabadeed tixgaliyo, wadahadalna la furo dhinaca kale, si looga baaqsado dagaalo kale oo hor leh oo dhiig kale ku daato, Galmudug uma baahna colaad iyo dagaalo dhantaala nabaddeeda, wiiqdana hey,adaheeda curdunka ah. Arimahaas oo hubaal ah inay fursad weyn siinaya cadowga guud ee Al-Shabaab.” ayuu yiri Guuleed.

Warkan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Galmudug hadana ah Musharax Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili galabta Ahlu Sunna dagaal la’aan kula wareegtay magaalada Guriceel.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleRaisul Wasaare Rooble oo ka Hadlay Dagaalka Ahlu Sunna dib uga bilowday Galmudug
Next articleSheekh Shaakir oo ka Hadlay Dagaalada Galmudug iyo Sababta ay u Qabsadeen Guriceel