Home Wararka Maanta Sanater C/xakiin Macalin Axmed oo si Kulul uga Hadlay Dagaalada Galmudug

Sanater C/xakiin Macalin Axmed oo si Kulul uga Hadlay Dagaalada Galmudug

0

Sanater C/xakiin Macalin Axmed oo dhawaan Lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa si Kulul uga Hadlay Colaalad ka Taagan Galmudug.

Xildhibaanka Ayaa weerar Afka ah ku qaaday Ahlusuna Waljameeca waxuuna Sheegay in Shacabka Galmudug Muddo ay Dowlad la,aan ahaayeen ay Hadda ka baxeen, Laakiin aysan Macquul aheen in dib Loogu celiyo dhibaatadii ay Soo mareen.

Hadalka Xildhibaanka Ayaa u Muuqda mid Weerar ku ah Abaabulka Ahlusuna ay ka wadaan Deegaanada Galmudug.

Hadalka Xildhibaanka Ayaa u qornaa Sidaan 

“Kuwii shalay dadkeena qolo qolo iyo qoys qoys isugu laayay, noloshana kala dagaalamayay deegaankii iyo daadkii ay u talinayeen ayaa maanta doonaya in ay dib ugu noogu celiyaan maalimihii mugdiga iyo Dowlad la’aanta.

Waxaan usoo jeedinayaa Guud ahaan dadka reer Galmudug gaar ahaan kuwa deggan Dhusamareb iyo hareeraheeda in ay ka feejignaadaan hagar-daamada, marin habaabinta iyo magarta lagu doonayo in dib loogu celiyo dadkeena.

Kuwa qoriga caaraddiisa ku raadinaya xukunka iyo Xoolaha iyagoo u maraya dadka oo been loo sheego iyo iyadoo magaca diinta la’adeegsado, waxaan leeyahay waqtigaasi Waa dhammaaday ee dadkiina dhinac ka raaca.

Ugu danbayntii Bulshadeena waxaan usoo jeedin lahaa in ay kala gartaan Culimada Ahlusunna kuwooda ka shaqeeynaya diinta iyo barashada cilmiga iyo kuwa Culimada sheeganaya lkn bannaysanaya dhiiga dadka muslimka ah abaabulaya colaad sokeeya waliba xilli aad u adag oo ay roob la’aani jirto”

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamo Taabacsan Ahlusuna oo dib ula wareegay Deegaankii Maanta Laga saaray
Next articleGoobihii Shalay Lagu dagaalamay oo saaka Degan iyo Cabsi wili jirto