Home Wararka Caalamka Beesha Caalamka oo Warbixin ka dhagaystay Ra’isul Wasaare Rooble

Beesha Caalamka oo Warbixin ka dhagaystay Ra’isul Wasaare Rooble

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo arrimaha geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray horumarinta doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg u bilaaban doonto doorashada Sooomaaliland. Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta isagoo u rajeeyay in doorashadu ay u dhacdo sida ugu dhaqsaha badan.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka doorashooyinka oo faahfaahsan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahaliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo madaxweynuh arrintaas isku aragti ka noqdaan.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleR/W Rooble oo Xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Waxuuna Magacaabay Wasiir Amni
Next articleFarmaajo oo diiday Xil ka qaadistii Wasiir Xundubey