Home Wararka Maanta Rooble iyo Taliyaha Cusub ee NISA oo gaaray Xarunta sirdoonka Soomaaliya ee...

Rooble iyo Taliyaha Cusub ee NISA oo gaaray Xarunta sirdoonka Soomaaliya ee Habar qadiijo

0
Gaadiidka farabadan oo ay qeyb ka yihiin kuwa gaashaaman ayaa hadda ka baxay Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo ku sii jeeda Xarunta Hay’adda NISA ee Habarqadiijo oo ku taala Degmada Shibis ee Gobalka Banaadir.
Dad u dhaw Xafiiska R/W Rooble ayaa sheegaya in Rooble iyo Taliyaha cusub ee NISA Bashiir Goobe ay aadeen Xarunta Hay’adda NISA.
khilaaf ayaa ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Talihii NISA fahad yaasiin xaaji daahir oo dhawaan xilkii looga qaaday kiiska ikraan Tahliil faarax oo Hay’adda Nabad sugida Qaranka Lagu Tuhmayo inay Afduubteen.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMusharaxiinta oo wax kama jiraan ku tilmaamay Warqadii Farmaajo soo saaray
Next articleDeg Deg Ciidamo ka amar qaata Fahad yaasiin oo xirtay Wadooyinka gala Xarunta NISA