Home Wararka Caalamka Sharci cusub oo khuseeya dhammaan dadka baaskiilka wata iyo kuwa mootooyinka korontada...

Sharci cusub oo khuseeya dhammaan dadka baaskiilka wata iyo kuwa mootooyinka korontada ku shaqeeya (elsparkcykel) isticmaala.

0

In ka badan kala bar dadka waaweyn ee baaskiillada iyo mootooyinka korontada ku isticmaala Iswiidhan ma xirtaan koofiyadda badbaadada. Xaaladda ayaa ka sii daran dadka isticmaala mootooyinka korontada ee la kireysto, sida lagu sheegay xog cusub oo ay soo bandhigtay Hay’adda Qaranka ee Badbaadada Gaadiidka (NTF).
NTF ayaa ku baaqaysa in la soo saaro sharci koofiyadda badbaadada ku waajibinaya dhammaan dadka baaskiillada wata iyo kuwa isticmaala mootooyinka korontada, iyadoon loo eegin da’dooda.

“NTF waxay aaminsan tahay in la hirgeliyo sharci koofiyadda baaskiilka ku waajibinaya dhammaan dadka baaskiillada iyo mootooyinka korontada isticmaala, da’ kasta oo ay yihiin,” ayay Emelie Hedberg, oo ah mas’uulka xiriirka dadweynaha ee NTF, u sheegtay warbaahinta Carup.

Hadda, Iswiidhan waxaa sharci ahaan looga baahan yahay in carruurta ka yar 15 sano ay xirtaan koofiyadda marka ay baaskiil wadaan. Dadka waaweyn se sharci kuma qasbana inay xirtaan.

Intii lagu jiray gu’ga iyo dayrta sannadka 2026, NTF waxay indha-indheysay ku dhowaad 96,000 oo qof oo wata baaskiillo iyo mootooyin koronto, dhammaan 290-ka degmo ee dalka.

Natiijooyinka ayaa muujinaya in:

  • 49% dhammaan dadka la arkay ay xirnaayeen koofiyadda badbaadada.
  • 46% dadka waaweyn ay xirnaayeen koofiyadda.
  • Isticmaalka koofiyaddu uu ka kordhay 41% sannadkii 2023 ilaa 49% sannadka 2026.
  • Heerka hadda jira uu weli aad uga hooseeyo yoolka qaranka ee ah in 80% dadka baaskiillada isticmaala ay xirtaan koofiyadda.

“Waxaa nasiib darro ah in tirooyinku weli aad uga hooseeyaan yoolka qaranka ee 80% isticmaalka koofiyadda,” ayay tiri Agneta Berlin, oo ah maareeyaha mashruuca cabbirrada NTF.

Ad