Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska, Sébastien Lecornu, ayaa sheegay in bandowga habeenkii ee laga dhaqan geliyey magaalooyin dhowr ah oo dalkaas ka tirsan uu gacan ka geystay dejinta xaaladda, kaddib rabshado xooggan oo dalka ka dhacay dhammaadkii toddobaadka.
Lecornu ayaa qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada ku sheegay in bandowga laga hirgeliyey deegaanno gaar ah uu ka qayb qaatay soo celinta xasilloonida habeenkii.
“Bandowga laga dhaqan geliyey deegaanno cayiman ayaa gacan ka geystay in habeenkan ay xaaladdu degto,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.
Maalintii Isniinta ayuu Lecornu ugu baaqay wakiillada dowladda ee gobollada Faransiiska inay go’aanno ka gaaraan soo rogista bandowyo maxalli ah oo laga hirgeliyo magaalooyinka ay ka dhaceen rabshadaha iyo burburinta hantida.
Tallaabooyinkaasi waxay saameeyeen qaybo ka mid ah bartamaha caasimadda Paris iyo magaalooyin kale oo waaweyn, oo ay ka mid yihiin Bordeaux, Lille iyo Nice. Si kastaba ha ahaatee, baaxadda iyo xuduudaha bandowgu way ku kala duwanaayeen magaalooyinka, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee TT.



