Home Wararka Caalamka Nin loo Tarxiilay Dalka Ciraaq oo Dib ugu soo Laabtay Sweden oo...

Nin loo Tarxiilay Dalka Ciraaq oo Dib ugu soo Laabtay Sweden oo Xukun laga gaaray

0

Maxkamad ku taalla magaalada Växjö ayaa ku xukuntay nin u dhashay Ciraaq, oo ku jira da’da soddonaad, hal bil oo xabsi ah kadib markii lagu helay inuu jabiyay sharciga ajaanibta, isagoo dib ugu soo laabtay Iswiidhan inkastoo hore loogu soo rogay amar masaafurin ah iyo mamnuucid gelitaanka dalka muddo shan sano ah.

Sida ay qortay wargeyska Expressen, ninkan ayaa magangalyo ka codsaday Iswiidhan sannadkii 2015, balse codsigiisa waa la diiday, waxaana go’aanka diidmada deggenaanshaha iyo shaqaduba si rasmi ah u dhaqan galay sannadkii 2019.

Xagaagii 2022, waxaa lagu xukumay hal sano iyo sagaal bilood oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi culus oo weerar ah, isagoo nin saddex jeer mindi ku dhaawacay . Markii uu dhammeystay xukunkiisa, waxaa loo masaafuriyay Ciraaq.

Sida maxkamaddu sheegtay, ninkan ayaa dib ugu soo laabtay Iswiidhan bishii Juun ee sanadkan, isagoo la deggenaa haweeney uu sheegay inay xaaskiisa tahay iyo carruurteeda, inkastoo guurkooda uusan si rasmi ah u diiwaangashanayn.

Booliska ayaa si lama filaan ah u helay ninkan intii lagu jiray howlgal baaritaan ah, taasoo keentay in mar kale la horgeeyo maxkamadda, laguna xukumo hal bil oo xabsi ah kadib markii lagu helay inuu jebiyay sharciga ajaanibta.

Ad