Home Wararka Maanta Qaxootiga Suuriya oo hogaaminaya Liiska Dadka Dalbaday inay Dalkooda ku laabtaan oo...

Qaxootiga Suuriya oo hogaaminaya Liiska Dadka Dalbaday inay Dalkooda ku laabtaan oo lasoo saaray

0

Tirakoob ay soo saartay Hay’adda Socdaalka Sweden ilaa 1-da Juun ayaa muujinaya in 121 codsi loo oggolaaday lacagta dib-u-noqoshada ikhtiyaariga ah intii lagu jiray lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2026.

Sida ku cad xogta, Hay’adda Socdaalka ayaa heshay 608 codsi oo la xiriira deeqda dib-u-noqoshada ikhtiyaariga ah tan iyo markii dowladda Sweden ay bilowgii sanadkan kordhisay lacagta gunnada, iyadoo laga qaaday 10,000 karoon ilaa 350,000 karoon qofkiiba, halka qoys kasta uu heli karo ugu badnaan 600,000 karoon.

Tirakoobka ayaa sidoo kale muujinaya in 423 codsi la go’aamiyay tan iyo bilowgii sanadkan. Waxaa ka mid ahaa 251 codsi oo la diiday, halka 51 codsi oo kale la xiray ama laga saaray diiwaanka.

Dhanka kale, 121 codsi ayaa la ansixiyay qeybtii hore ee sanadkan, kuwaas oo ka koobnaa 74 rag ah iyo 47 dumar ah.

Xogtu waxay muujineysaa in inta badan oggolaanshiyaha la bixiyay bilihii Abriil iyo May, iyadoo la ansixiyay 69 codsi bishii Abriil iyo 46 codsi bishii May. Bishii Febraayo iyo Maarso waxaa la ansixiyay saddex codsi oo keliya bil kasta, halka bishii Janaayo aan la diiwaangelin wax codsi ah oo la oggolaaday.

Ad