Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ansixiyay xeerar cusub oo adkeynaya masaafurinta dadka aan xaqa u lahayn inay sii joogaan dalalka Midowga Yurub, iyadoo tallaabadan ay sidoo kale suuragelinayso in la sameeyo xarumo ku yaalla meel ka baxsan Midowga Yurub si loogu qaabilo dadka la masaafurinayo.
Xeerkan oo loo yaqaan “Xeerka Soo Celinta” (Return Regulation) ayaa lagu ansixiyay codad gaaraya 418, halka 218 mudane ay ka soo horjeesteen, 30 kalena ay ka aamuseen. Guud ahaan 666 mudane ayaa ka qeyb galay codbixinta.
Kadib natiijada codbixinta, xubno ka tirsan xisbiyada midigta fog ee Baarlamaanka Yurub ayaa dabaaldeg ka sameeyay gudaha hoolka baarlamaanka, iyagoo ku dhawaaqayay hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “Ku celiya dalalkooda”.
Xildhibaanka ka tirsan xisbiga Sweden Democrats (SD), Charlie Weimers, ayaa sheegay in fariintu hadda tahay mid cad. Wuxuu yiri: “Haddii aad si sharci darro ah ku soo gasho Yurub, Yurub waligeed gurigaaga ma noqon doonto.”
Dhinaca kale, siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo horjeeda go’aanka ayaa dhaliilay xeerkan cusub. Xildhibaanad Alice Bah Kuhnke oo ka tirsan Xisbiga Cagaaran ayaa sheegtay in carruurta ka cararaysa dagaallada iyo cadaadiska ay u baahan yihiin ammaan iyo badbaado, halkii laga siin lahaa xayndaabyo dheeraad ah iyo xarumo lagu hayo.
Xisbiga Sweden Democrats (SD) ayaa soo dhaweeyay go’aanka Baarlamaanka Yurub, iyagoo qoraal ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in waxa ay ugu yeereen “dhaqankii soo dhoweynta muhaajiriinta” uu dhammaaday, islamarkaana uu billowday xilli cusub oo lagu xoojinayo masaafurinta dadka aan sharciga haysan.



