Home Wararka Galmudug Dhuusamareeb Oo Wajahaysa Xiisad Cusub Kadib Ciidamo La Geeyay Goobaha Muhiimka Ah

Dhuusamareeb Oo Wajahaysa Xiisad Cusub Kadib Ciidamo La Geeyay Goobaha Muhiimka Ah

0

Xiisad amni ayaa saaka laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb kadib markii ciidamada NISA ay la wareegeen amniga garoonka diyaaradaha ee magaalada, xilli halkaasi uu ku wajahan yahay Taliyaha Booliska Galmudug Maxamed Daahir, oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u magacowday Taliyaha Qeybta Booliska Galmudug.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in cabsi xooggan ay saacadihii u dambeeyay ka jirtay Dhuusamareeb, iyadoo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ay gaareen magaalada isla markaana la wareegeen qaar kamid ah goobaha muhiimka ah, oo ay ku jirto saldhigga booliska.

Dhanka kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidanka madaxtooyada Galmudug la geeyay meelo istiraatiiji ah, iyadoo qaar kamid ah ay fuuleen dhismayaal dhaadheer oo ku yaalla magaalada, arrintaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo xiisad hor leh.

Inkasta oo labada dhinac ay muujiyeen taxadar dheeri ah oo looga hortagayo isku dhac toos ah, haddana xaaladda magaalada ayaa weli kacsan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saacadihii la soo dhaafay uu jiray isfaham la’aan xooggan oo u dhaxeysay madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug, taas oo loo arko inay salka ku heyso dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda magaalada. Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug weli kama aysan hadlin xaaladda sii cakirmeysa ee Dhuusamareeb.

Ad