Home Wararka Caalamka Dowladda Sweden oo soo bandhigtay in la joojiyo oggolaanshaha Sharciga deganaanshaha Rasmiga

Dowladda Sweden oo soo bandhigtay in la joojiyo oggolaanshaha Sharciga deganaanshaha Rasmiga

0

Dowladda Sweden ayaa go’aansatay inay horay u sii waddo qorshe lagu joojinayo suurtagalnimada helitaanka deganaanshaha joogtada ah, sida ku cad soo jeedin cusub oo la qorsheeyay inay dhaqan gasho 12-ka Luulyo ee sanadkan.

Soo jeedintan, oo lagu gudbiyay qoraal rasmi ah (promemoria) oo loo diray Lagrådet, ayaa sheegaysa in xeerka guud uu noqon doono in la bixiyo deganaansho ku meel gaar ah halkii laga bixin lahaa deganaansho joogto ah dadka la siiyo magangelyo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee TT.

dadka u baahan Magangalyada waxaa la siiyaa deganaansho ku meel gaar ah, iyagoo fursad u haysta inay codsadaan deganaansho joogto ah kadib muddo cayiman.

Si kastaba ha ahaatee, soo jeedinta cusub ayaa ujeedadeedu tahay in gebi ahaanba la joojiyo nidaamkan, taas oo ka dhigan in dadka ku jira qaybahan aysan mustaqbalka heli doonin deganaansho joogto ah.

Ad