Home Wararka Caalamka Mareykanka oo qirtay dhimashada afar askari oo ku dhintay shil diyaaradeed oo...

Mareykanka oo qirtay dhimashada afar askari oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ciraaq

0

Taliska Dhexe ee ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa shaaciyay in 4 ka mid ah shaqaalaha diyaarad shidaal ku shubta hawada (tanker) ay ku dhinteen kadib markii ay diyaaraddu ku dhacday galbeedka dalka Ciraaq. Sida ay sheegtay militariga Maraykanka, waxaa wali socda howlaha badbaadinta iyo raadinta si loo helo labada xubnood ee kale ee ka mid ahaa 6-da qof ee saarnaa diyaaradda.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in aysan jirin caddeyn muujinaysa in diyaaradda lagu soo riday “dab cadaw ama mid saaxiib,” balse waxay caddeeyeen in baaritaanno wali socdaan si loo ogaado sababta dhabta ah ee shilka.

Dhanka kale, Warbaahinta Israel gaar ahaan Channel 12 ayaa sheegtay in diyaarad labaad oo loogu talagalay shidaal-siinta hawada ay si nabad ah ugu degtay garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda isku magacawda “Iska-caabinta Islaamiga ah” ee Ciraaq ayaa waaberigii Jimcaha sheegtay in ay soo rideen diyaarad Maraykan ah oo nooca KC-135 ah isla markaana ay weerareen diyaarad kale oo ku sugneyd galbeedka Ciraaq. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in diyaaraddii labaad ay “si degdeg ah ugu degatay mid ka mid ah garoomada cadowga,” halka shaqaalihii saarnaa ay ka baxsadeen.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo xiisadda gobolka ay sii kordhayso, kadib weerarro sii xoogeysanaya oo ka dhan ah Iran iyo dagaal ay ku lug leeyihiin Maraykanka iyo Israel oo la sheegay inuu socdo tan iyo 28-kii Febraayo. Isla mar ahaantaana, Iran ayaa la sheegay inay weerarro ku qaaday dalal ka tirsan Khaliijka, Ciraaq iyo Urdun iyadoo sheegtay inay beegsaneyso saldhigyada Maraykanka, halka kooxo hubeysan oo Ciraaqi ahna ay sheegeen inay iyaguna weerareen saldhigyo gudaha Ciraaq ku yaalla.

Ad