Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa soo saaray warsaxaafadeedkii ugu horreeyay tan iyo markii ay cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Mareykanka, isagoo ku hanjabay tallaabooyin adag oo militari iyo kuwo siyaasadeed oo ka dhan ah joogitaanka Mareykanka ee gobolka Bariga Dhexe. Farriintan oo laga akhriyay telefishinka dowladda ee Iran ayaa xambaarsaneyd digniino culus oo ku wajahan saldhigyada ciidamada Mareykanka iyo dalalka gobolka.
Hoggaamiyaha ayaa si cad u sheegay in saldhigyada militari ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe ay noqdeen bartilmaameed sharci ah, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo xiro. Wuxuu ku dooday in inta saldhigyadan ay furan yihiin ay sii kordhinayaan khatarta dagaal iyo xiisad ka dhalan karta gobolka. Sida uu sheegay, saldhigyadaasi waxay astaan u yihiin waxa uu ku tilmaamay faragelinta Mareykanka ee arrimaha gobolka.
Mojtaba Khamenei ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladaha Bariga Dhexe inay caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan weerarradii lagu qaaday dhulka Iran, kuwaas oo uu sheegay inay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray muwaadiniinta Iiraaniyiinta.
Wuxuu tilmaamay in dalalka gobolka laga sugayo inay si cad u muujiyaan sida ay uga falcelinayaan arrintaas, isla markaana aysan aamusnaan ka qaadan xaaladda taagan.
Hoggaamiyaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka in sheegashadeeda ah inay gobolka u keento amni iyo xasillooni ay ahayd mid aan sax ahayn, isagoo ku tilmaamay “been”. Wuxuu dalalka deriska la ah Iran kula taliyay inay si dhaqso leh u xiraan saldhigyada Mareykanka, haddii ay doonayaan inay ka fogaadaan inay noqdaan bartilmaameedyo militari.
Dhanka kale, Mojtaba Khamenei wuxuu sheegay in Iran aysan dooneyn inay saameyn gumeysi ku yeelato gobolka, balse ay diyaar u tahay inay la yeelato xiriir wanaagsan iyo iskaashi dhammaan dalalka deriska ah. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Tehran ay doorbideyso midnimo iyo wada shaqeyn gobolka ah, balse aysan aqbali doonin weerarro lagu qaado dalkeeda.
Sidoo kale, hoggaamiyaha Iiraan ayaa ku dhawaaqay in marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz uu sii xirnaan doono ilaa laga joojiyo waxa uu ku tilmaamay gardarrada lagu hayo dalkiisa. Marinkaasi oo ah mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee ganacsiga shidaalka dunida ayaa xirnaantiisu saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha caalamka.



