Home Wararka Maanta Somaliland oo Ka hadashey Warar Been Abuur ah oo Lagu Sheegay in...

Somaliland oo Ka hadashey Warar Been Abuur ah oo Lagu Sheegay in ay Kaga Hadashay Dagaalka Iran

0

Somaliland ayaa bulshada, warbaahinta, iyo bulshada caalamka uga digtay baro bulsho oo lagu faafinayo warar been abuur ah oo loo ekaysiiyay kuwa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kuwaas oo lagu faafinayo warar la xidhiidha dagaalka Israa’iil iyo Iran.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu yidhi: “Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay bulshada, warbaahinta, saaxiibbada diblomaasiyadeed, iyo bulshada caalamka uga digaysa isku dayo qorsheysan oo lagu been abuurayo baraha bulshada rasmiga ah ee dowladda kuwaas oo lagu faafinayo warar been abuur ah.”

Wararka been abuurka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, isagoo tacsiyeysay weerarada Iran la beegsatay UAE, isla markaana ay labada madaxweyne ka wada hadleen xaaladda gobolka.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay wararkan been abuurka ah in Madaxweynaha Somaliland uu si gaar ah uga hadlay xaaladda dagaalka Madaxweynaha Israa’iil, isaga oo sheegay in Somaliland ay taageero buuxda u muujinayso shacabka Israa’iil, isla markaana ay si adag u cambaareynayso weerarada Iran ee ka dhanka ah Israa’iil.

Dhinaca kale, waxaa jira dadka luuqado kala duwan dowlada Iran kaga codsanaya in ay Somaliland ku darto goobaha ay beegsanayso, maadaama Hargeysa iyo Tel Aviv ay leeyihiin xidhiidh dhow. Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in Somaliland ayna martigalin wax saldhig ciidan oo ay leeyihiin Israa’iil ama Maraykanka.

Warbaahinta caalamka qaarkeed ayaa sidoo kale warinaysa in xulufada Iran ee gobolka, iyo dowladda Iran lafteeduba, ay beegsan karaan Somaliland, iyadoo la tixgelinayo in dowladda Iran ay bilowday inay beegsato waddamada leh xidhiidhka Israa’iil ama Maraykanka.

Somaliland waxay  dhawaan cambaaraysaay duqeymaha ay Iran la beegsatay waddamada  Carabta, lakiin wax intaa dhaafsiisan kamay odhan dagaalka ka socda Bariga Dhexe.

Ad