Home Wararka Caalamka Waa Kuma Hogaamiyaha Iran Ayatollah Cali Khamenei ee lagu dilay Duqeymaha Mareykanka...

Waa Kuma Hogaamiyaha Iran Ayatollah Cali Khamenei ee lagu dilay Duqeymaha Mareykanka iyo Israel

0

Hoggaamiyihii awoodda badnaa ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa ku geeriyooday shalay Saabtidii 28 February 2026, kaddib weerar cirka ah oo lala beegsaday magaalada Tehran, sida ay wararku sheegeen. Geeridiisa ayaa timid kadib weeraro cirka ah oo ay gurigiisa la beegsadeen isbahaysiga Mareykanka iyo Israa’iil.

Cali Hosseini Khamenei wuxuu 19 April 1939 ku dhashay magaalada Mashhad ee dalka Iiraan. Wuxuu waxbarashadiisa diineed ku soo qaatay madarasado ku yaalla Mashhad, Najaf iyo Qom, halkaas oo uu ka noqday arday si dhow ula shaqeeya hoggaamiyihii kacaanka Iiraan, Ayatollah Ruhollah Khomeini. Intii uu socday kacdoonkii Iiraan 1978–1979, Khamenei wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka firfircoon ee ka soo horjeeday taliskii Shah Mohammad Reza Pahlavi, taas oo sababtay in marar badan la xidho, ugu dambayna la musaafuriyo.

Markii kacaanku guuleystay 1979, Khamenei wuxuu qabtay jagooyin kala duwan oo muhiim ah. Sannadkii 1981 ayuu noqday madaxweynihii saddexaad ee Iiraan, xilkaas oo uu hayay ilaa 1989 xilligii uu socday dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq. Mudadaas, wuxuu xoojiyay xidhiidhka uu la lahaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan – IRGC, kuwaas oo door weyn ku yeeshay siyaasadda iyo amniga dalka.

Kaddib geeridii Khomeini 1989, Golaha Khubarada Iiraan ayaa u doortay Khamenei inuu noqdo hoggaamiyaha sare ee dalka, xilkaas oo uu hayay in ka badan 36 sano. Mudadaas dheer, wuxuu noqday hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa Bariga Dhexe, isla markaana ahaa hoggaamiyihii Iiraan ee ugu cimriga dheeraa tan iyo Shah Mohammad Reza Pahlavi.

Siyaasaddiisa gudaha, Khamenei waxaa lagu tilmaami jiray hoggaamiye adag oo xoojiyay awoodda xafiiska hoggaamiyaha sare, isla markaana si weyn u ballaadhiyay awoodda hay’adaha amniga iyo militariga. Mudadiisa waxaa dhacay mudaharaadyo waaweyn oo ka dhan ahaa xukuumadda, kuwaas oo marar badan si adag loo wajahay. Dhanka dibadda, wuxuu taageeray waxa loo yaqaan “Axis of Resistance” oo ay ku mideysan yihiin quwadaha iyo maleeshiyaadka la safan Iiraan ee ka dagaallama Suuriya, Ciraaq, Yemen iyo Qasa.

Khamenei wuxuu taageeray barnaamijka nukliyeerka Iiraan ee rayidka, isagoo isla markaana soo saaray fatwo uu ku mamnuucayo hubka wax gumaada. Wuxuu si adag uga soo horjeeday Israa’iil iyo fikirka Sahayooniyadda, isaga oo si joogto ah u muujin jiray taageerada Falastiiniyiinta. Siyaasadahaas ayaa horseeday xiisado joogto ah oo u dhexeeya Iiraan iyo dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka iyo Israa’iil.

Geeridiisa ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddesho jihada siyaasadda Iiraan iyo isu-dheellitirka awoodaha gobolka. Inkastoo taageerayaashiisu ku tilmaamaan halyey difaacay madaxbannaanida iyo mabaa’di’da kacaanka, haddana dhaliilayaashiisu waxay ku eedeeyaan inuu mas’uul ka ahaa cabbudhin siyaasadeed iyo xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah. Taariikhdiisa, si kastaba ha ahaatee, waxay ku suntan tahay in uu ka mid noqday hoggaamiyeyaashii ugu saameynta badnaa Bariga Dhexe qarnigan 21-aad.

Ad