Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo maanta kulan la yeeshay dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar...

Xasan Sheekh oo maanta kulan la yeeshay dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti dalka Jabuuti kulan gaar ah kula yeeshay dhigiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada madaxweyne ayaa ahaa mid diirada lagu saaray wadatashiga iyo isku duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax banaanida dhuleed iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Labada madaxweyne ayaa si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifka mideysan ee dalalka walaalaha iyo saaxiibada ah ee ka soo horjeestay tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo Soomaaliya” ayaa lagu tiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dhigiisa dalka Jabuuti iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax bannaanida dalka.

Waxaa sidoo kale labada Madaxweyne ay isla meel dhigeen in la sii xoojiyo wadatashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka geeska Afrika iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.

Ugu dambeyntii kulankaan uu maanta dalka Jabuuti kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya dhigiisa dalkaas ayaa ah mid daba socda dhiidhinta xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Qaranimada Soomaaliya, waxaana la filaya in madaxweynaha uu u sii gudbi doono dalalkale oo Turkiga uu ka mid yahay, isagoo dhigiisa dalka Turkiga Erdogan wadatashi kala yeelan doono dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax banaanida dhuleed iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ad