Home Wararka Maanta Dowlada Israaiil oo ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland

Dowlada Israaiil oo ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland

0

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in dowladdiisu ay aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan oo xor ah, kaddib munaasabad qadka taleefoonka ah oo uu kula hadlay Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo sar-sare.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa hadalkiisa ku bilaabay in dadka reer Somaliland ay xaq u leeyihiin aayo-ka-tashigooda, isagoo carrabka ku adkeeyay in xaqaasi yahay mid caalami ah oo mudan in si buuxda loo ixtiraamo.

Wuxuu sheegay in tallaabadan ay muujinayso taageerada Israa’iil ee rabitaanka iyo go’aanka shacabka Somaliland.

Intii ay munaasabadda socotay, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa wada saxiixay bayaan wadajir ah oo is-afgarad ah, kaas oo ku saleysan Heshiisyada Abraham (Abraham Accords), kuwaas oo lagu saxiixay hindisaha Madaxweyne Donald Trump.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, isagoo ku ammaanay hoggaamintiisa iyo dadaalkiisa ku aaddan horumarinta xasilloonida, nabadda, iyo wada-noolaanshaha. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan ku casuumay inuu booqasho rasmi ah ku tago Israa’iil.

Dhankiisa, Madaxweynaha Somaliland ayaa go’aanka Israa’iil ku tilmaamay “mid weyn oo taariikhi ah”, isagoo sheegay in aqoonsigani uu Somaliland u furayo fursado cusub oo dhanka xiriirrada caalamiga ah, iskaashiga diblomaasiyadeed, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Dowladda Israa’iil ayaa shaacisay qorshe degdeg ah oo ay ku ballaarinayso xiriirka ay la leedahay Somaliland, iyadoo diiradda la saarayo iskaashi ballaaran oo ku saabsan beeraha, caafimaadka, tignoolajiyadda, iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo la filayo inay wax weyn ka beddesho mustaqbalka labada dhinac.

Ad