Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed kadib qabsoomidda doorashada golaha degaanka ee ka dhacday magaalada Muqdisho 25-ka Diseembar 2025, isagoo ku tilmaamay mid u dhacday si deggan oo nidaamsan.
War-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in doorashadan ay tahay tallaabo hordhac ah oo muhiim u ah dadaallada socda ee Soomaaliya ku doonayso horumarinta dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga dalka.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in doorashooyinka heer degaan ay door weyn ka ciyaaraan xoojinta ka-qeybgalka dadweynaha ee maamulada, isla markaana ay siinayaan Soomaaliya waayo-aragnimo muhiim ah xilli ay dalka u socoto hannaan siyaasadeed iyo mid doorasho oo ay hoggaaminayso dowladda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa ku boorriyay dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya inay sii wadaan wadahadal wax dhisaya iyo wadatashi loo dhan yahay, si loo xoojiyo midnimada qaranka loona xaqiijiyo xasillooni waarta oo mustaqbalka fog ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay sida uu ururku uga go’an yahay taageeridda shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo dowlad loo dhan yahay, nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed oo ka hanaqaadda guud ahaan dalka.



