Isbeddello muhiim ah oo lagu sameynayo sharciyada socdaalka, deggenaanshaha iyo jinsiyadda Sweden ayaa la filayaa inay dhaqan galaan sanadka 2026, kuwaas oo saameyn weyn ku yeelan doona ajaanibta ku nool dalka. Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska af-Ingiriisiga ku baxa ee The Local, isbeddelladan ayaa noqon doona kuwo ballaaran.
Imtixaanka luqadda iyo aqoonta bulshada ee jinsiyadda
Tan iyo sanadkii 2021, dowladdu waxay ka shaqaynaysay hirgelinta imtixaan luqadeed iyo mid aqoonta bulshada ah oo shuruud u noqon doona helitaanka jinsiyadda Sweden. Jaamacadaha Stockholm iyo Gothenburg ayaa loo xilsaaray diyaarin imtixaanadan, kuwaas oo la filayay inay diyaar noqdaan bisha Agoosto 2026.
Si kastaba ha ahaatee, labada jaamacadood waxay sheegeen in waqtiga loo qoondeeyay uusan ku filnayn, ayna shaki ka qabaan awooddooda ah inay waqtigaas ku diyaariyaan imtixaanada.
Warbixin ay Hay’adda Tacliinta Sare u dirtay dowladda 30-kii Sebtembar 2025, Jaamacadda Stockholm waxay ku sheegtay in imtixaanka luqadda uusan diyaar noqon doonin ka hor 2028, halka Jaamacadda Gothenburg ay filayso inay hal imtixaan oo aqoonta bulshada ah soo bandhigto dhammaadka 2026. Dowladda weli ma caddeyn sida ay ula tacaali doonto dib-u-dhacyadan.
Shuruudo adag oo lagu heli karo jinsiyadda
Baaritaan ay dowladdu samaysay Janaayo 2025 ayaa soo jeediyay in shuruudaha jinsiyadda la adkeeyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
In muddada deggenaanshaha laga kordhiyo 5 sano ilaa 8 sano
In la adkeeyo shuruudda “dhaqan wanaaga”
In lagu daro shuruud is-ku-filnaansho dhaqaale
Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay in khidmadda codsiga jinsiyadda laga kordhiyo 1500 karoon ilaa 2900 karoon dadka waaweyn.
Isbeddelladan waxaa loo qorsheeyay inay dhaqan galaan 1-da Juun 2026, iyadoo ay jirto suurtagalnimada in codsiyada hore loo gudbiyay balse aan weli la go’aamin lagu dabaqo xeerarka cusub halkii kuwii hore laga isticmaali lahaa.
Kordhinta mushaharka ugu yar ee ruqsadda shaqada
Dowladdu waxay go’aamisay in mushaharka ugu yar ee lagu heli karo ruqsadda shaqada loo qaado 90% mushaharka celceliska dalka. Taas macnaheedu waa in laga bilaabo Juun 2026, mushaharka ugu yar uu kordhi doono 29,680 karoon una gudbi doono 33,390 karoon.
Celceliska mushaharka dalka waxaa la cusbooneysiiyaa sannad kasta, badanaa usbuuca saddexaad ee Juun, taasoo la micno ah in shuruuddan mushaharka ah ay sannad walba is beddeli doonto.
Adkeynta sharciyada magangalyada iyo joojinta deggenaanshaha joogtada ah
Dowladdu waxay qorshaynaysaa inay adkeyso sharciyada magangalyada ilaa heerka ugu hooseeya ee uu oggol yahay sharciga Midowga Yurub, iyadoo la filayo inay dhaqan galaan 12-ka Juun 2026.
Isbeddellada cusub waxaa ka mid ah:
In codsiyo badan oo magangalyo ah la diidi karo marka loo eego dib
In codsiyo qaar loo aqoonsado “kuwa aan sal lahayn”, taasoo la micno ah in qofka laga doonayo inuu si degdeg ah uga baxo dalka, isla markaana uusan joogin Sweden inta racfaanku socdo
Baaritaan kale oo ay dowladdu samaysay ayaa sidoo kale ku taliyay in la joojiyo deggenaanshaha joogtada ah ee la siiyo magangalyo-doonka iyo qoysaskooda, laguna beddelo oggolaansho ku-meel-gaar ah. Talooyinkan ayaa dhaleeceyn kala kulmay mucaaradka iyo hay’ado badan, iyadoo dowladda aanay weli si rasmi ah u go’aamin inay qaadanayso ama wax ka beddelayso soo jeedintan.



