Home Wararka Caalamka Booliska Sweden oo ka digay Dhaafitaanka Nalalka Xiliga Jaalaha iyo Ganaaxyada lagu...

Booliska Sweden oo ka digay Dhaafitaanka Nalalka Xiliga Jaalaha iyo Ganaaxyada lagu heli karo

0

Booliska taraafikada ee Sweden ayaa bilaabay olole wacyigelin cusub oo muujinaya qaar ka mid ah xadgudubyada ugu daran ee taraafikada kuwaas oo mudnaanta koowaad u ah shilalka taraafikada ee dhimashada leh, iyagoo marka hore diiradda saaraya jebinta laydhka casaanka iyo jaalaha ah ee shaqeynaya.

Booliisku waxay ku sheegeen qoraal ay ku daabaceen baraha bulshada in sharciga waddo-marista ee Sweden (Trafikförordningen 1998:1276) uu si cad u farayo in la ixtiraamo calaamadaha taraafikada, isla markaana iska indhatirkoodu yahay dembi sharci ah oo halis ah.

Booliiska taraafikadu waxay caddeeyeen in ka gudbidda nalka casaanka ahi uusan kaliya khatar weyn ku ahayn dadka isticmaala waddada, balse sidoo kale uu keeno ganaax lacageed oo dhan 3000 karoon, isla markaana ay suurtagal tahay in ruqsadda wadista laga qaado darawalka.

Sidoo kale, darawallada baaskiillada iyo kuwa fuula fardaha waxaa lagu ganaaxaa 1500 karoon haddii ay ka gudbaan nalka casaanka ah.

Booliisku waxay intaa ku dareen in iska indhatirka nalka jaallaha ah (yellow) isaguna yahay dembi sharci ah, waxaana ka dhalanaya ganaax dhan 2000 karoon darawallada baabuurta, iyo 1000 karoon darawallada baaskiillada ama kuwa fuula fardaha.

Ugu dambayn, booliisku waxay talo u jeediyeen darawallada dedejiya marka nalka cagaaran uu isu beddelayo jaalle. Askari la yiraahdo Manghe oo ka tirsan booliiska taraafikada Stockholm ayaa yiri:

“Dadka riixa gaaska marka nalka uu ka beddelmo cagaar una noqdo jaalle, waxaan leenahay: halkii aad gaaska riixi lahaydeen, bareegga riixa. Faa’iidadu way ka badan tahay khasaaraha, sababtoo ah inta badan waxaad noqonaysaan qofka ugu horreeya ee safka xiga istaaga, halkii aad ka ahaan lahaydeen qofka ugu dambeeya.

Ad