Home Wararka Maanta Isreal oo Sheegtay inay Xiriir la Sameesay Dowlada Somaliya

Isreal oo Sheegtay inay Xiriir la Sameesay Dowlada Somaliya

0

Israa’iil ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inuu bilowday xiriir gaar ah oo ay la yeelanayaan dawladda Soomaaliya, gaar ahaan wax lagu sheegay ‘danaha ay wadaagaan’ ee la xiriira ka hortagga saameynta Xuutiyiinta ee Geeska Afrika.

Inkastoo uusan jirin xiriir rasmi ah oo horey Soomaaliya iyo Israa’iil u yeesheen , hadana wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Israa’iil, Sharren Haskel ayaa waraysi muuqaal ah oo ay siisay warbaahinta Israa’iil ka soo baxda ee i24NEWS, waxay ku sheegtay Soomaaliya inay tahay dal saameyn ku leh dhaqaalaha, kalluumaysiga, marin-biyoodka ganacsiga iyo badeecadaha caalamka ka gudba Bab al-Mandab, taana ay Soomaaliya ka dhigayso dal muhiim u ah arrimaha badda cas iyo nabadgalyada caalamka.

Xiriirkan waxaa lagu sheegay inuu ka dhashay khatarta ay Soomaaliya ka wajahayso Xuutiyiinta ee ka dhalanaysa iskaashiga ay yeelanayaan Xuutiga iyo Al shabaab, iyadoo la tixraacayo warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay oo lagu sheegay inuu jiro xiriir kobcaya oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo Xuutiyiinta.

Dawladda Soomaaliya horey ugama hadlin xiriirka gaarka ah ee dhexmaray Muqdisho iyo Tel abiib, lamana shaacin xafiisyada ama saraakiisha xiriirkan ku metalay Soomaaliya, kaa oo ku soo aaddaya xilli ay Israa’iil ballaarinayso iskaashigeeda geeska Afrika.

Ad