Home Wararka Maanta Gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu dilay Horjooge Shabaab ka tirsan iyo 12...

Gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu dilay Horjooge Shabaab ka tirsan iyo 12 Xubnood oo kale

0

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa howlgal qorsheysnaa oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyey degaanka Jambaluul oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye gobolka Shabeellaha Hoose.

Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 12 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo uu ku jiro horjooge ka tirsanaa kooxda.

Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen iyo goobo ay kooxdu ku diyaarinayeen qaraxyo, waxaana halkaasi labada dhinac ku dhexmaray dagaal fool ka fool ah.

Dagaalka fool ka foolka ah ee dhexmaray ciidanka NISA iyo kuwa Al-shabaab ayaa sababay in waxyeelo ay soo gaarto dad rayid ah iyo labo askari oo ka tirsan ciidanka NISA, kadib markii hoobiyaal kooxdu ku garaacday goobo dad shacab ah dagan yihiin.

“Dowladda Soomaaliya waxay aad uga xuntahay waxyeellada dadka rayidka ah ka soo gaartay weerarka naf la caariga ah ee Khawaarijta, waxayna xoojinaysaa howlgallada lagu ciribtirayo argagixsada duulaanka ku ah nafta, hantida iyo dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA.

Ugu dambeyntii warka kasoo baxay hay’ada NISA ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay sii laba jibaari doonaan howlgalada ka dhanka Al-shabaab ee looga hortagayo dhibaatada kooxdu ku hayso dadka shacabka ah.

Ad