Home Wararka Caalamka Dalka Germalka oo si rasmi ah u aqoonsaday Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya

Dalka Germalka oo si rasmi ah u aqoonsaday Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya

0

Dowladda Federaalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqday inay si buuxda u aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, arrinta oo si weyn u soo dhaweysay dowladda Soomaaliya.

Go’aanka ayaa lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee Dowladda Jarmalka (Bundesanzeiger) 1-dii December 2025, Aqoonsigan cusub ayaa meesha ka saaraya xayiraadihii hore ee ku saabsanaa gelitaanka diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Jarmalka, waxaana hadda si rasmi ah loogu aqbali doonaa baasaboorka Diblomaasiga marka ay Soomaalida ku safrayaan, iyadoo aan loo baahnayn hubin dheeri ah ama dukumeenti xaalad gaar ah.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankan, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo caddeyneysa isbeddelka wanaagsan ee ay Soomaaliya ka samaynayso dhanka amniga dokumentiyada safarka, casriyeynta adeegyada socdaalka iyo dib u dhiska xiriirka caalamiga ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay hay’addu, aqoonsiga Jarmalka ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal, kana turjumaya kalsoonida sii kordheysa ee dalalka caalamka ay ku qabaan nidaamka baasaboorrada iyo adeegyada socdaalka ee Soomaaliya.

Go’aankan ayaa ka dhigan in Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya si rasmi ah loogu aqoonsan doono gelitaanka iyo deggenaanshaha Jarmalka, iyadoo laga saaray xayiraaddii hore ee ka dhignayd in diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ay u baahan yihiin oggolaansho gaar ah inta aysan ka bixin dalka sida lagu sheegay war saxaafadeedka Hay’adda kasoo baxay.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid fure u noqon karta iskaashi ballaaran oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka, gaar ahaan dhanka arrimaha dibadda, horumarinta adeegyada dadweynaha, iyo taageerada dib u dhiska hay’adaha dowladda.

Ad