Home Wararka Caalamka Dowlada Mareykanka oo Hakisay codsiga socdaalka 19 dal oo ay Soomaaliya ku...

Dowlada Mareykanka oo Hakisay codsiga socdaalka 19 dal oo ay Soomaaliya ku jirto

0

Dowladda Mareykanka ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan codsiyada socdaalka ee ka imaanaya 19 dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay. Tallaabadan ayaa timid toddobaad kadib weerarkii lagu dilay labo askari oo ka tirsan National Guard oo ka dhacay Washington.

Hay’adda socdaalka ee USCIS ayaa horey u hakisay dhammaan habraacyada magangelyo-doonka Jimcihii lasoo dhaafay. Madaxa hay’adda, Joseph Edlow, ayaa ku sababeeyay arrintan baahida baaritaanno aad u adag oo lagu sameeyo ajaanibta.

Qaar ka mid ah dalalka lag joojiyay codsiyada socdaalka ayaa horey uga jiray liiska dalalka uu Trump xayiraadda geliyay.

Dalalka uu go’aankan saameeyay waxaa kamid ah: Venezuela, Cuba, Haiti, Sierra Leone, Togo, Equatorial Guinea, Chad, Republic of Congo, Sudan, Somalia, Libya, Burundi, Yemen, Iran, Turkmenistan, Afghanistan, Myanmar, iyo Laos.

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu mar kale sare u qaaday hadalladiisa ka dhanka ah bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, isaga oo sheegay in uusan rabin muhaajiriin ka imaanaya dalka Bariga Afrika. Wuxuu sheegay in aysan waxba kordhinayn dalkiisa.

Howlgal lagu qabanayo dadka sharci-darrada ah ayaa laga cabsi qabaa inuu ka bilowdo magaalooyinka Minneapolis iyo –St. Paul, iyadoo la beegsanayo dadka aan sharciga haysan.

Ad