Home Wararka Maanta Turkiga uu Shaaciyay Xiliga uu bilaabayo Shidaal Qudista Xeebaha Somaliya

Turkiga uu Shaaciyay Xiliga uu bilaabayo Shidaal Qudista Xeebaha Somaliya

0

Turkey ayaa qorshaynaya inuu bilaabo qodista khayraadka tamarta hydrocarbons-ka ee xeebaha Soomaaliya sanadka 2026, kaddib marka la soo dhammeeyo natiijooyinka daraasaddii lagu sameeyay xeebaha Soomaaliya.

Sida uu sheegay Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, oo Arbacadii la hadlay warfidiyeennada, Ankara waxay markabkii cilmi-baarista Oruc Reis u dirtay Soomaaliya bishii Oktoobar ee sanadkii hore, halkaas oo uu ka sameeyay daraasad 3D ah oo ku baahsan saddex aag oo loo qoondeeyay shirkadda Turkish Petroleum.

Mid kasta oo ka mid ah saddexda aag wuxuu ka koobann yahay 5,000 km², waxaana mas’uuliyiinta Turkigu rajaynayeen in baaritaannadu muujin doonaan meelaha saliiddu ku jirto.

Bayraktar wuxuu yiri,“Sanadkan waxaan fulinnay howlaha seismic-ka, waxaana u badan tahay in 2026 uu noqon doono sanadkii qodista xeebaha Soomaaliya.”

Wuxuu intaas ku daray in lagu wado in bisha Janaayo lagu dhawaaqo war rasmi ah. Mas’uul Turki ah oo arrintan ku dhow ayaa sheegay in natiijooyinka seismic-ka si buuxda diyaar noqon doonaan Janaayo.

Bayraktar wuxuu sheegay in Ankara ay diri doonto maraakiib cusub oo dhawaan la helay si ay u sameeyaan baaritaanno iyo soo saarista khayraadka ku jira gunta badda.

Wuxuu sheegay in qodista badda ay aad u adag tahay, maadaama ay ka dhaceyso biyo qoto dheer oo gaaraya 3,000 mitir.

Ad