Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Sababo Dhaqaale Dartii Shaqada uga Joojisay 680 Shaqaale oo...

Qaramada Midoobay oo Sababo Dhaqaale Dartii Shaqada uga Joojisay 680 Shaqaale oo Somaliya ugu Hawlgala

0

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii 2025 shaqada ka joojiyay in ka badan 680 shaqaale, sababo la xiriira yaraanta maalgelinta gargaarka.

Sida ay sheegeen ilo kala duwan oo ku dhow arrintan, hay’adaha QM waxay shaqada ka eryeen 158 shaqaale caalami ah iyo 522 shaqaale Soomaaliyeed.

Hoos u dhaca shaqaale ayaa si weyn u saameeyay hay’adaha waaweyn sida UNICEF, WFP, FAO iyo UNFPA, halka UNDP iyo xafiisyo kale oo yaryar oo QM ahna ay sidoo kale wajahaan dhimista shaqaalaha.

Ilo xog-ogaal ah ayaa hoos u dhaca ballaaran ku sababeeyay yaraanta dhaqaale ee sii xoogeysanaysa, taas oo ka dhalatay hoos u dhac weyn oo ku yimid taageerada deeq-bixiyeyaasha. Waxay sheegeen in maalgelin badan oo dibadda ah ay istaagtay, oo ay ku jiraan barnaamijyo horumarineed oo Mareykanku hore u bixin jiray oo loo marayey USAID, oo ka mid ahaa taageerayaasha ugu waaweyn ee gargaarka bani’aadantinimo iyo horumarinta Soomaaliya.

Kuwo xogta ku dhow ayaa sheegay in xaaladda dhaqaale ay uga sii dartsan tahay leexashada ka timid kaalmooyinka caalamiga ah, iyadoo deeq-bixiyeyaasha badankood ay khayraadkooda u wareejiyeen colaadaha Ukraine, Koonfurta Suudaan iyo Suuriya. Isbeddelkani wuxuu sababay in hay’adaha QM ee Soomaaliya ku sugan ay ku adkaato maalgelin joogto ah oo lagu fuliyo barnaamijyadooda.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in haddii aan la helin ilo maalgelin oo cusub, awoodda hay’adaha QM ee ku aaddan sii wadista hawlaha muhiimka ah ee gargaarka bani’aadantinimo iyo horumarinta Soomaaliya ay wajihi karto caqabado culus.

Ad