Home Wararka Maanta Galmudug oo Howlgal Culus ka Fuliyey Deegaano hoos taga Gobolka Galgaduud

Galmudug oo Howlgal Culus ka Fuliyey Deegaano hoos taga Gobolka Galgaduud

0

Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr, ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanada Ceel Lahelay iyo Dhaban-dhulkuheys ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay khasaare culus ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in lagu dilay ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, halka kuwo kale oo badan lagu dhaawacay, kuwaas oo uu ku jiro horjoogihii Al-Shabaab ee ka howlgalayay aagga Ceelgaras.

Warbaahinta Qaranka sheegtay in Howlgalka uu qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha nabadda iyo nolosha shacabka diidan, waxaana la sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad dagaal oo ay ka tageen cadowgu markii ay ka carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Wararka ka imaanaya deegaanka ayaa tilmaamaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan weli ka socdaan tuulooyin dhowr ah oo hoos taga Ceelgaras, iyadoo ciidanku ay wadaan baadi-goob iyo nadiifin ay kaga hortagayaan in Al shabaab dib ugu soo laabto.

Saraakiishu waxay bulshada ku nool deegaannadaas ugu baaqeen inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo nabadda waarta ee Galmudug.

Ad