Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari, ayaa xalay ku dhawaaqay liiska golaha cusub ee Wasiiradda , waxa uuna magacaabay Wasiirro ka kooban 21 xubnood.
Wasiiradda uu magacaabay Madaxweyne Fardhiye , ayaa 20 kamid ah waxa uu siiyay beesha uu kasoo jeedo ee Dhulbahante oo qaatay 13 Wasiir iyo Warsangeli oo la siiyay 8, hal Wasiir ayaa la siiyay beesha Ogaadeen.
Beesha Fiqishini Ceyr oo kamid ah beelaha dega Waqooyi Bari horeyna loo siiyay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaan markan la siin wax Wasiir ah, waxaa sidoo kale bannaanka la dhigay beelaha kale ee Madhibaan iyo Majeerteen.
Akhri oo Hadda Ogow Beelaha ay kasoo jeedaan Golaha Wasiirada Maamulka Woqooyi-bari ee Madaxweyne Firdhiye magacaabay.
1- Wasiirka Cadaalada & Arrimaha Diinta; Yusuf Maxamed Cali. Hayb ahaa waa Dhulbahante, Barkad.
2- Wasiirka Arrimaha Gudaha; Ahmed Cali Yakhle. Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Bah-ogayslabe.
3- Wasiirka Maaliyadda; Cabdiqani Xuseen Hiirad. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Naaleeye Axmed, Reer Aadan.
4- Wasiirka Caafimaadka; Dr Adam Jaamac Muuse Hayb ahaan waa Dhulbahante, Xasan Ugaas.
5- Wasiirka Qorsheynta; Cali Dhakaawe Warsame; Hayb ahaan waa Dhulbahante, Bah-hararsame
6- Wasiirka Amniga; Cabdirisaaq Faarax Warsame Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Bihidoor.
7- Wasiirka Tamarta & Biyaha; Cabdi Xasan Maxamed. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Cumar Waceys.
8- Wasiirka Macdanta & Batroolka; Mustafe Cabdinaasir Cismaan. Hayb ahaan waa Warsangeli, Dubeys.
9- Wasiirka Waxbarashada; Daahir Cabdirisaaq Axmed. hayb ahaan waa Dhulbahante, Khaalid.
10- Wasiirka Kaluumaysiga; Ismaacil Shiikh Saalax. Hayb ahaan waa Warsangeli, Warlabe.
11- Wasiiradda Arrimaha Qoyska; Saynab Calwaash. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Yaxye.
12- Wasiirka Deegaanka; Siciid Maxamed Abdirahman. Hayb ahaan waa Warsangeli, Aadan Siciid.
13- Wasiirka Xanaanada Xoolaha; Mahad Siciid. Hayb ahaan waa Warsangeli, Dubays.
14- Wasiirka Hawlaha Guud; Jaamac Faarax. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Reer Hagar.
15- Wasiirka Duulista; Axmed C. Shire; Hayb ahaan waa Warsangeli, Reer Xaaji.
16- Wasiirka Ganacsiga; Abdiweli Xuseen. Hayb ahaan waa Jibraahil, Ogaadeen.
17- Wasiirka Warfaafinta; Axmed Abdirasaq Diiriye. Hayb ahaa waa Dhulbahante, Qayaad.
18- Wasiirka Beeraha; Cabdikarin Maxamuud Cabdi. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Cali-geri.
19- Wasiirka Gargaarka; Maxamed Diiriye Faarax Shariif. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Nuur Axmed.
20- Wasiirka Ciyaaraha; Ibraahin Reygal. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Hayaag.
21- Wasiirka Dekeddaha & Gaadiidka Badda; Cabdulqadir M. Ducaale. Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Nuux Cumar.
Wadar-guud
Dhulbahante: 12
Warsangeli: 8
Ogaadeen: 1
Fiqishini: 0
Majeerteen: 0
Madhibaan: 0
Axmed Harti: 0
Dir: 0