Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in ay dib u soo celiyeen cunaqabatayn buuxda oo ka dhan ah Iran oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas ka dib markii Qaramada Midoobay ay dib u soo celisay tallaabooyinkeedii.
Sida laga soo xigtay Midowga Yurub, cunaqabataynta ayaa waxaa ka mid ah in la xayiro hantida uu haysto bangiga dhexe ee Iran iyo bangiyada kale ee Iran, iyo mamnuucid soo galitaanka saraakiisha Iran qaarkood.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale mamnuucay iibsashada iyo rarista saliidda ceyriin ee Iran.
Cunaqabataynta ayaa ah mid aan sabab lahayn, sida ay sheegtay dowlada iran
“Dib-u-soo-celinta go’aamada la laalay waa mid sharci ahaan aan sal iyo raad toona lahayn, dhammaan dalalka waa inay ka fogaadaan inay aqoonsadaan xaaladdan sharci-darrada ah,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ku sheegtay hadal ay soo saartay.
Habeenimadii Axadda, Qaramada Midoobay waxay dib u soo celisay cunaqabataynta hubka iyo cunaqabataynta kale ee Iran ka dib markii France, Germany iyo Britain ay hawl galiyeen hannaan dib u dejin ah oo qayb ka ahaa heshiiskii Nukliyeerka ee Iran 2015.
Saddexda dal ee Yurub ayaa aaminsan in Iran aysan u hoggaansamin heshiiska Nukliyeerka.