Home Wararka Caalamka Duulimaadyada Garoomada Yurub oo la joojiyay kadib Weeraro Dhanka Internet-ka ah

Duulimaadyada Garoomada Yurub oo la joojiyay kadib Weeraro Dhanka Internet-ka ah

0

Waxaa jiri doona tiro duulimaadyo ah oo la baajiyay isniinta maanta iyadoo dhibaatooyinka kumbuyuutarka ee garoommada Yurub ay sii socdaan ka dib markii la weeraray kombuyuutar Jimcihii.

Gegida dayuuradaha ee Brussels ayaa waydiisanaysa shirkadaha diyaaradaha in ay joojiyaan ku dhawaad ​​140 ka mid ah 276 duulimaad ee maanta la qorsheeyay, sida ay qortay BBC-da .

Magaalada Berlin iyo London waxaa sidoo kale jira baajin iyo dib u dhac isniinta, laakiin si aad ah uga yar dhamaadka usbuuca.

Weerar jimcihii lagu qaaday Garoomada ayaa keentay in la heliwaayo xogaha rakaabka qaar taasi oo keentay in la baajiyo duulimaadka.

Ad