Home Wararka Caalamka Britain, Canada, iyo Australia oo ku Dhawaaqay Aqoonsiga Dowlad Falastiin ah

Britain, Canada, iyo Australia oo ku Dhawaaqay Aqoonsiga Dowlad Falastiin ah

0

Hogaamiyayaasha Britain, Canada iyo Australia ayaa ku dhawaaqay in dalalkooda ay si rasmi ah u aqoonsadeen Dowladda Falastiin inay tahay dal madax-banaan, kadib qoraalo lagu daabacay madal “X”.

“Si loo soo celiyo rajada nabadda ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, UK maanta waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay Dawladda Falastiin,” Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa qoray, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee TT.

Raiisel wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa yiri: “Canada waxay aqoonsan tahay Dawladda Falastiin, waxaanan u fidineynaa gacanteenna sidii aan u dhisi lahayn mustaqbal nabadeed oo loogu talagalay labada waddan ee Falastiin iyo Israa’iil.”

Ra’iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa bayaankiisa ku xaqiijiyay, “Ictiraafkan, Australia waxay aqoonsan tahay muddada dheer iyo raadinta sharciga ah ee Falastiiniyiinta ee dawladnimada.” Waxa uu intaa ku daray, “Xamas wax door ah kuma yeelan doonto mustaqbalka Falastiin.

Ad