Home Wararka Maanta Maamulka Puntland oo sheegay inay u dhaqmayaan sida Dowlada oo kale

Maamulka Puntland oo sheegay inay u dhaqmayaan sida Dowlada oo kale

0

Puntland ayaa sheegtay in ay u dhaqmayso sidii dowlad madax bannaan oo si gaar ah uga shaqaysa arrimaheeda gudaha iyadoo sabab uga dhigtay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya. Hadalkan ayaa ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor xilli uu ka hadlayey kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mida guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland.

Lugatoor ayaa sheegay in Puntland hadda xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha adeegyada bulshada iyo arrimo kale oo muhiim u ah danaha dadka reer Puntland. Waxa uu tilmaamay in maamulka uu doonayo inuu dardar geliyo shaqooyinka gudaha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku adkeystay in dastuurka Puntland iyo kan KMG ah ee dalka uu u oggolaanayo inay Puntland sidii dowlad madax banaan u dhaqanto.

Khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa salka ku haya arrimo ay ka mid yihiin wax ka bedelka ay dowladdq federaalka ku samaysay qodobo ka mid ah dastuurka KMG ah gaar ahaan kuwa la xiriira nidaamka doorashooyinka. Puntland ayaa horay u muujisay walaac ku saabsan wax ka bedelka dastuurka taas oo sababtay is mari waa siyaasadeed oo ku dambeeyey in xiriirka wadashaqaynta Puntland u jarto DFS.

Xiriirka xumaaday ayaa horseeday in ay istaagaan mashaariic horumarineed oo horey uga iman jiray dowladda federaalka oo laga fulin jiray Puntland.

Ad