Home Wararka Maanta Gobolka Shabellaha Hoose oo lagu dilay 100 Xubnood oo Shabaab ka tirsan

Gobolka Shabellaha Hoose oo lagu dilay 100 Xubnood oo Shabaab ka tirsan

0

Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysanaa oo dhanka cirka ah ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan duqeynta ahaa ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyo iyo gabaadyo ay  ku dhuumaaleysanayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo isugu jira Maleeshiyaad iyo horjoogayaal muhiim u ahaa kooxda.

“Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah. Godadkii iyo gabaadyadii ay kooxdu isku dayayeen inay isku qariyaan ayaa lagu dumiyay duqaynta cirka, halka cutubyada Danab ay gudaha u galeen goobihii cadowgu ku sugnaa si loo xaqiijiyo guusha howlgalka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga laguma sheegin magacyada horjoogayaasha kooxda Al-shabaab looga dilay howlgalka laga fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka lagu dilay howlgalka ln ayaa sidoo kale Wasaaraddu tilmaamtay iney ku howlanayeen u diyaar garoowga sidii ay isaga caabin lahaayeen howlgalka loogu magacdaray “Duufaanta Aamusan” oo ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AUSSOM ka wadaan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.

Ad