Home Wararka Caalamka Caalamka:- Xuutiyiinta Yemen oo ka hadlay Markab Ganacsi oo ku Quusay Bada...

Caalamka:- Xuutiyiinta Yemen oo ka hadlay Markab Ganacsi oo ku Quusay Bada Cas

0

Ururka Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka lagu gubay markabka ganacsiga ee Magic Seas, kaas oo Axaddii lagu weeraray Badda Cas.

Markabkan oo ah nooca xamuulka ayaa la kulmay dhowr weerar, waxaana la sheegay in lagu beegsaday meel qiyaastii 94km dhanka koonfur galbeed uga beegan Dekedda Hudaydah ee dalkaasi Yemen.

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa xalay sheegay in Ciidamada Yemen ay markabkaasi la eegteen laba doomood oo nooca aysan cidina wadin ah, shan gantaal oo isugu jira kuwa ballaastikada iyo lidka maraakiibta iyo weliba saddex diyaaradood oo drones ah.

“Hawlgalka waxaa si toos ah loogu bartilmaameedsaday markabka, taasoo keentay in biyuhu galaan. Hadda waxaa soo baxday in uu quusay.” Ayuu yiri Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta.

Ma jirto cid ku dhimatay amaba ku dhaawacantay weerarkaasi, isla-markaana ay shaqaaluhu badqabaan, sida ay sheegtay Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO).

“Dhammaan shaqaalihii la socday markabka ayaa ka degay, waxaana badbaadiyay markab ganacsi oo halkaa marayay. Dhammaan shaqaaluhu way wanaagsan yihiin oo way badqabaan.” Ayay UKMTO ku sheegtay war ay soo saartay.

General Yahya Saree ayaa dhankiisa leh “Ciidankeennu waxay u ogolaadeen shaqaaluhu inay si badbaado leh uga dhaadhacaan markabka.”

General Yahya Saree ayaa ku andacooday in markabka Magic Seas iyo shirkadda ay wada shaqaynta leeyihiin oo uusan magaceedu sheegin ay ku xadgudbeen awaamiirtii ay horey uga soo saareen, ee ah in aan la tagi karin Dekedaha Israel ee laga xoogay Falastiin.

Waxa uu sheegay in ay mamnuuceen in la tago Dekedaha Falastiin ee Israel xoogga ku haysato, ciddii amarkooda jebisana ay bartilmaameed noqon doonto.

Ad
Previous articleWafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray Caasimada Dalka Turkiga
Next articleCaalamka:- Khilaaf ku aadan Joojinta Dagaalka Qaza oo ka Dhex taagan Trump iyo Netanyahu