Home Wararka Caalamka Israel oo ka hortimid Dalab ka yimid Kooxda Xamaaz ee ku Aadan...

Israel oo ka hortimid Dalab ka yimid Kooxda Xamaaz ee ku Aadan Xabad-joojinta

0

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa ka horyimid soo jeedin ay soo bandhigtay kooxda Xamaas oo ay la wadaagtay dowladda Qatar , si loo gaaro heshiis xabbad-joojin ah oo dhax marta Xamaas iyo Israa’iil.

Xamaas ayaana ogolaatay in heshiis xabbad-joojin ah la gaarto Israa’iil, waxa ayna kooxda soo jeedisay inta aan heshiiska la gaarin in marka hore Israa’iil ciidankeeda ka saarto magaalada Qasa , kaddibna heshiiska la dhaqangeliyo.

Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu , ayaa ka biyo diiday dalabka Xamaas, waxa uuna doonayaa in ciidankiisa sii joogaan magaalada Qasa ee dhulka Falastiin inta lagu jiro heshiiska xabbad-joojinta ah .

Netanyahu ayaa dalka Qatar maanta u diray xubno qeyb ka noqonaya wadahadallada , iyadoo la tixraacayo waxa ay doonayso Israa’iil, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu.

Wadahadallada ayaa mar kale u muuqda kuwa dheer oo aan laga sugeyn si dhaqso ah in heshiis loo gaaro, xilli ay ciidamada Israa’iil ay sare u qaadeen duqeymaha ay ka geysanayaan marinka Qasa oo ay maalintii ku dhimanayaan ku dhawaad boqol ruux.

Ad
Previous articleElon Musk oo Xisbi Siyaasadeed Cusub kaga Dhawaaqay Dalka Mareykanka
Next articleCaasimada Nairobi oo laga Filayo Banaan-baxyo iyo Digniino loo diray Somalida Wadankaasi