Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Qoor qoor ayaa maanta degaanadoodi iskaga diiwaan geliyay qaadasha kaarka codbixinta ee ay bixiyaan Guddiga Doorashooyinka.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ka qeyb-galay Munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana uu noqday qofkii ugu horeeyay ee qaatay kaarka codbixinta ee degaanadaasi.
Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor oo degaanadiisa isaguna maanta ay ka bilowdeen isdiiwaangelinta iyo qaadashada Kaarka Codeeynta ayaa bulshada ku dhaqan Dhuusamareeb iyo degaanada kale ee Maamulkiisa kula dardaarmay, inay isdiiwaangelinta ka qeyb qaataan ee Doorashooyinka qofka iyo Codka ah.
Munaasabadda diiwaangelinta ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ka bilaabatay maanta ayaa waxaa ka qeyb-galay mudanayaal ka tirsan golayaasha Dowlad Goboleedyadaan, xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.