Home Wararka Maanta Kooxda Macawiisleeyda oo Gobolka Hiiraan ku dilay 10 Xubnood oo ka tirsan...

Kooxda Macawiisleeyda oo Gobolka Hiiraan ku dilay 10 Xubnood oo ka tirsan Kooxda Shabaab

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleyda gobolka Hiiraan aroornimadii hore ee maanta howlgal qorsheysna oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyeen duuleedka deegaanka Mabaax.

Howlgalka Macawiisleeyda Hiiraan ka fuliyeen duuleedka deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan ayaa la soo warinaya in lagu dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Ciidanka Macawiisleeyda ayaa howlgalka ku beegsaday goobo maalmahii lasoo dhaafay ay isku aruursanaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab oo hoostaga deegaanka Mabaax.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ciidamada Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyada ku aadan ka hortaga weerarada kooxda Al-shabaab uga imaan kara.

Si kastaba ha ahaatee 48 saacadood ee lasoo dhaafay furimaha hore ee dagaalkanka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan gaarayay ciidamo aad u tiro badan oo ka kala baxay magaalooyinka gobolka Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle ee sanadahii lasoo dhaafay sida tooska ah ula dagaalamaya Al-shabaab.

Ad
Previous articleMareykanka oo Dowlada iyo Shacabka Somaliya ku Amaanay Dagaalka Shabaab