Home Wararka Maanta Mareykanka oo Duqeymo ka Fuliyay Saldhigyo ay Kooxda IS ku leeyihiin Gobolka...

Mareykanka oo Duqeymo ka Fuliyay Saldhigyo ay Kooxda IS ku leeyihiin Gobolka Bari

0

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan qaaradda Afrika (AFRICOM), ayaa shaaca ka qaaday in ay fuliyeen labo duqeyn oo cirka ah oo lala beegsaday kooxda argagixisada ah ee ISIS-Somalia, iyadoo warkooda ku sheegay in howlgalka ay isla kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqeymahan ayaa dhacay taariikhaha 3-dii iyo 4-tii May 2025, waxaana laga fuliyey deegaanno ka tirsan waqooyi-bari Soomaaliya.

Duqeyntii ugu horreysay ayaa dhacday 3-da May 2025, waxaana laga fuliyey gobolka Miraale, halka duqeyntii labaad ee ay AFRICOM xaqiijisay ay dhacday 4-ta May 2025, iyadoo lagu bartilmaameedsaday buuraleyda Golis ee gobolka Bari.

“Labadan duqeyn ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee u dhexeeya AFRICOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo wiiqo awoodda kooxda ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka, shacabka Soomaaliyeed, iyo danaha caalamiga ah.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahan ay qeyb ka yihiin istaraatiijiyadda lagula dagaallamayo argagixisada, iyadoo si gaar ah loo eeganayo hubkooda, saldhigyadooda, iyo awooddooda isku xirka.

Taliska AFRICOM ayaa caddeeyay in aysan la wadaagi doonin faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta cutubyada ama qalabka la adeegsaday, si loo ilaaliyo amniga howlgalka iyo sirdoonka la xiriira.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho