Home Wararka Maanta Cumar oo 16 Sano jir ah oo kamid noqday Dadkii lagu dilay...

Cumar oo 16 Sano jir ah oo kamid noqday Dadkii lagu dilay Upsalla

0

Cumar Jibriil oo 16 jir ahaa ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay goob timaha lagu qurxiyo oo ku taal Uppsala todobaadkii hore.

Aabbe Ismaaciil Jibriil ayaa u sheegay Aftonbladet in wixii ugu dambeeyay ee uu ka maqlo wiilkiisa ay ahayd fariin qoraal ah oo uu kaga codsanayo inuu 250 karoon timaha u jarto.

Ismaaciil waxa uu damcay in uu wax yar ka dib waco oo uu u sheego in Cumar walaalkii ka yaraa uu isna iman doono goobta, laakiin wax jawaab ah uma helin. markii ayuu wiilkii yaraa u waxay. Waxaana goobtaasi ku sugnaa ciidamo boolis ah.

– Wuu ku adkaaday inuu si sax ah u hadlo, wuxuu sheegay in qof kasta oo meesha ku sugnaa la toogtay, aabbaha ayaa u sheegay Aftonbladet.

Qoysku waxay Cumar ku tilmaameen inuu yahay qof daryeela, faraxsan oo naxariis badan. Ilaa inta ay ogyihiin, wax xidhiidh ah lama lahayn dambiyada gaangiska. Waxa uu ku jiray dugsiga sare, waxa uu bilaabayjimicsiga, Ismaaciil ayaa u sheegay SVT News.

– Wuxuu rabay inuu barto injineernimada hawada sare. Wuxuu ahaa ubaxa mustaqbalka ee Sweden.

Ad
Previous articleShirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Somaliya oo Muqdisho ka furmaya Maanta
Next articleGermalka oo bilaabaya Sharciga Cusub ee Adkeenaya Magangalyadoonka laga bilaabo 6 May