Home Wararka Caalamka Caalamka:- Kooxda Xuutiyiinta oo Gantaal ku Garaacay Garoonka ugu Weyn Diyaaradaha ee...

Caalamka:- Kooxda Xuutiyiinta oo Gantaal ku Garaacay Garoonka ugu Weyn Diyaaradaha ee Israel

0

Israa’iil, ma aysan qarin inay Axadda maanta la kullantay weerar fadeexad ah oo dhaliyay dhaawaca 8 qof oo shan ka mid ah la sheegay inay ku jiraan xaalad dhimasho dhalin karta, kaddib markii gantaal nooca ballistic-ga oo ay kooxda Xuutiyiinta ka soo tureen Yemen, uu ku dhacay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion.

Raadiyaha ciidamada Israa’iil oo soo xiganaya ilo militari ayaa sheegay in nidaamka difaaca Mareykanka ee THAAD iyo nidaamyada difaac ee  Israa’iil ay isku dayeen in ay ka hortagaan gantaalka Xuutiyiinta,balse ay ku guuldareysteen, iyadoo in ka badan 3 milyan oo Israa’iiliyiin oo ay ku jiraan saraakiisha sare ee Israa’iil ay gabbaad galeen.

Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel-ka 12 , ayaa sheegay in gantaalka Yemen uu ka gudbay afar lakab oo ah hababka difaaca hawada, wuxuuna ku dhacay wadnaha garoonka diyaaradaha Ben Gurion ,waxa la arkay waa in goobta uu ku dhacay uu ka sameeyay god 25 mitir ah. Warbixinta Channel 12,  ayaa shaaca ka qaaday  in madaxa gantaalku uu ahaa mid aad u weyn, oo sababay mowjad qarax weyn oo laga maqlay xaafadaha Telaabiib, taa oo ka dhigan in Xuutiga ay wax ka beddel ku sameeyeen madaxyada qarxa ee gantaallada ay ku weerarrayaan Israa’iil.

Booliiska Israa’iil ayaa amray in la mamnuuco in loo safro garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, halka Channel 12 ee Israa’iil uu sheegay in la hakiyay duullimaadyadii imanayey iyo kuwii dhoofayey.

Wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth ayaa sidoo kale ka soo xigatay madaxa guddiga shaqaalaha hay’adda duulista rayidka ee Israa’iil , in dadka ku dhaawacmay gantaalka uu mid ka mid ah ku sugnaa gudaha garoonka gaar ahaanna Terminal 3, taa oo ka dhigan qaraxyada gantaalka inay gudaha u galeen garoonka, taa oo noqonaysa markii u horreysay oo Xuutiga ay khasaare dhab ah gaarsiiyeen garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.

Weerarka wuxuu dhaliyay si deg deg ah in loo joojiyo duulimaadyo ay Telaabiib ku imaan lahaayeen diyaaradaha Swiss, Austria, Australia , Lufthansa iyo tobannaan diyaaradood oo kale oo maanta la qorsheeyay inay duulimaad ku yimaadaan garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.

Iyadoo warbaahinta Israa’iil ay sheegtay in hoggaanka ammaanka Israa’iil ay  si weyn uga walaacsan yahay fashilinka ay kala kulmeen inay ka hortagi waayeen gantaalka Xuutiyiinta ee lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion, ayaa  weerarka sidoo kale wuxuu dhaliyay in la baajiyay shirkii ugu muhiimsanaa ee golaha amniga israa’iil oo maanta la qorsheeyay inuu qabsoomo, sabab la xiriirta weerarka Xuutiyiinta, sida uu ku warramay wargeyska Walla.

Ad
Previous articleSSC Khaatumo: Xiriirka aan laleenahay Dowladda Federaalka ma ahan mid aan kala tashanayno Puntland