Home Wararka Maanta Gacalo Aadan oo Meydkeeda laga soo saaray iyo Baaritaan lagu bilaabay

Gacalo Aadan oo Meydkeeda laga soo saaray iyo Baaritaan lagu bilaabay

0

Waxaa qabuuro horey loogu aasay laga soo saaray Meydka Gacalo Aadan oo ahayd gabar 17 jir ah, taa oo dil dad badan ka argagaxeen loogu geestay deegaan katirsan magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Gabadhan meydkeeda lasoo saaray, ayaa dilkeeda lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen ninkii qabay iyo sidoo kale rag kale oo ehel la ah ninkaasi, waxaana wali ku socda ragaasi baaritaanno ku aadan kiiskan dilka ah.

Gacalo oo markii la dilay kaddib lagu aasay qabuuro kuyaalla xerada Dhagaxley, ayaa maxkamad ku taalla Wajeer waxay amartay in meydkeeda baaritaan lagu sameeyo, si loo ogaado xaqiiqda kiiska dilka ee gabadhaasi loo geestay iyo cidda dhab ahaan fulisay.

Baaritaanka lagu sameeyay meydka Gacalo, ayaa ka dhacay isbitaalka hay’adda MSF ee xerada Dhagaxley, waxaana baarista kaddib gabdhan dib loogu aasay isla qabuurihii meydkeeda laga soo saaray.

Dhawaan ayaa la filayaa in la soo saaro warbixin ku saabsan dhimashadeeda, ayadoo qoyska ay ka dhalatay ay ku eedeynayaan ninkii gabadhaas la siiyey inuu isagu si ula kac ah u dilay, kaasoo hadda ku jira gacanta ciidanka amniga.

Ad
Previous articleXubno ka tirsan Kooxda Shabaab oo lagu qaaday Weerar Kedis ah iyo Khasaaro kasoo gaaray
Next articleCaalamka:- Dowlada Pakistan oo u diyaar garowday Dagaalka India iyo Xiisad taagan