Home Wararka Maanta Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

0

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BFS.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddiga ee xarunta guddoonka iyo guddiyada Villa Hargeysa, waxa ay xubnaha guddiga ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo ay u doorteen Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame kuna magac dheer ah Xildhibaan Qawdhan.

Xildhibaan Qawdhan ayaa badeli doona  guddoomiyihii hore ee guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo dhowaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Doorashada kadib Xildhibaan Qawdhan ayaa ka mahadceliyay inay mudanayaashaan u doortaan Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda waxaana eebe uu ka rajeeyay in shaqadaan u fududeeyo.

Ugu dambeeyntii, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Guddoomiyaha cusub ee guddiga maaliyadda kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga, isaga oo xubnaha kale guddiga ku booriyay in ay guddoomiyaha cusub la shaqeeyaan.

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Booliska Dalka Australia oo ka War-bixiyay Wiil Soomaali ah ay toogteen

Booliska dalka Australia ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii ka dambeeyay inay toogtaan wiil Soomaali ah waxaana ay sheegeen ay toogasho ku dileen nin ka mid ah Soomaalida ku nool
Ad
Previous articleBooliska Dalka Australia oo ka War-bixiyay Wiil Soomaali ah ay toogteen
Next articleTurkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya