Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

0

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadan sheegay in wada hadal wax ku ool ah uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israel, waxaana uu sheegay in labada hoggaamiye ay isku dhinac ka yiiin arrin kasta, sida uu ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social.

Madaxweyne Trump ayaa qoraalkiisa ku xusay in isaga iyo Netanyahu ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo Iran.

“Wada hadalkayaga si wanaagsan ayuu u dhacay, waxaana isku dhinac ka nahay arrin kasta.” Ayuu yiri Trump.

Trump ma soo hadal qaadin in isaga iyo Netanyahu ay ka wada hadleen xaaladda murugsan ee ka jirta Marinka Gaza.

Wada hadalkan ayaa imanaya, xilli Golaha Wasiirada Israel ay caawa ka wada hadlayaan heshiis ay suurtagal tahay in lala galo Xamaas.

Warbaahinta Israel ayaa warineysa in Xubnaha Golaha Wasiirada ay si dhow uga wada hadlayaan heshiis ay tahay in lagu soo celiyo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.

Warbaahinta maxaliga ayaa sheegeysa in heshiiskan uu horseedayo in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza iyo in la sii daayo qaar badan oo ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel, inkastoo Wasiirada qaarkood ay diidan yihiin in la joojiyo amaba la soo afjaro dagaalka Gaza.

Trump ayaa la fahamsan yahay in si uun uu uga walaacsan yahay colaadda Gaza, waxaana la xusuustaa maalmo ka hor inta aanu xafiiska la wareegin in uu u ololeeyay heshiiskii xabad joojinta ee 19-kii bishii January ka dhaqangalay Gaza.

Trump ayaa ololihiisii dib-u-doorashada ee bishii November ku ololeynayay in uu soo afjari doono dagaalka Gaza iyo kan Ukraine, isla-markaana uu dunida ka dhigi doono meel ammaan ah.

Trump ayaa la sheegaa in weli ay miiska u saaran tahay, sidii uu u soo afjari lahaa dagaalka Gaza, laakiin ay dhibaato ka haysato galaangalka ay Israel ku leedahay siyaasadda Mareykanka, taasoo ku riixeysa in uu wax badan xeeriyo, isla-markaana aanu culeys muuqdo saarin siyaasiyiinta Israel.

Mareykanka ayaa dagaalka Gaza kala kulmay cambaareyntii ugu weyneyd ee muddo tobanaan sano ah loo jeediyo.

Bulshada caalamka oo kuwa Mareykanka ay qayb ka yihiin ayaa si weyn uga soo horjeeda dembiyada dagaal ee ka dhacaya Marinka Gaza.

Dagaalkan ayaa sidoo kale suurad xumeeyay muuqaalkii Israel ee dunida.

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymahan ayaa

Dowlada Israel oo Qiratay Dilka Samafalayaal lagu dilay GAZA

Milatariga Israel ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore. Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay

Galgaduud oo lagu dilay Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Dowlada oo sharuud ku Xirtay in Axmed Madoobe ka Qeyb galo Shirka Wada-tashiga

Magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa in 1-da bisha May ka furmo shirka Golaga Wadatashiga Qaran, ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada, shirkan ayaana looga hadli
Ad
Previous articleDowlada Israel oo Qiratay Dilka Samafalayaal lagu dilay GAZA
Next articleDoonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya