Home Wararka Maanta Gudiga Doorashada Somaliya oo looga digay inay Doorasho ka qabtaan Gobolka Gedo

Gudiga Doorashada Somaliya oo looga digay inay Doorasho ka qabtaan Gobolka Gedo

0

Guddoomiyaha Dowlad Goboleedka Jubaland ugu magacaaban Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Qaadi ayaa uga digay Guddiga Doorashooyinka in aysan ka sameeyn karin wax dhaq dhaqaaqyo Doorasho la xiriira hadii ay dhacdana ay dhibaato la kulmi doonaan.

Al Qaadi ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in Doorashasu noqoto mid ay isla ogol yihiin Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe wixii kasoo harana ayyaan ahayn wax sharci ah.

“Guud ahaan gobolka Gedo wax doorasho ku sheeg ah kama dhaceyso’, waxaan uga digayaa xubnaha Guddiga Doorashada hadii ay isku dayayaan tallaabadaasi inay cawaaqib xun ay la kulmi doonaan” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi.

Guddiga Doorashooyinka ayaa waqti hore sheegay in meelaha ay qorsheenayaan inay Doorasho Qof iyo Cod ah ay ka qabtaan ay ku jirto Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaan wali xal ka gaarin muran siyaasadeedka u dhaxeeya oo ka dhashay nooca nidaamka Doorashada Dalka iyo wax kabadelka lagu sameeyay Dastuurka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleKaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah
Next articleCiidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo